Sawirro:-Wasiirka Caddaaladda oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyaradda ka timid Al-Shabaab

Wasiirka wasaaradda  Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Sarindi  ee Muqdisho, taasi oo  lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo baxda Al-Shabaab.

Wasiirka, ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yahay.

Avv. Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu ammaanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhallinyradaasi, isaggoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qaban doonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor