Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Talyaaniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya H.E. Mr. Carlo Campanile, isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah.

Intii kulanka lagu gudajiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo yadoo loo marayo istratijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah u dhexeeya, waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

–DHAMAAD–

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media