Sawirro:-Wasiirka Amniga oo Jowhar ka furay Shirka Dib u Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle

Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmay shirka dib u heshiisiinta beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada cadale ee Gobolk Shabeellha dhexe.

Shirka ayaa waxaa furay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe,waxaana ka qeybglaya Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw,xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Waxgaradka labada dhinac.

Inta uu shirkaan socdo ayaa waxaa looga hadli doonaan sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laab laabtay tuulooyinka hoostaga degmada Cadale iyo sidii looga gudbi lahaa.

Xubnihii Goobta hadalka ka jeediyay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka amniga Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegeen in ay waajib tahay in labada dhinac ay qataan qodobadii ka soo baxa kulankaan sinabad ahna halkaas loogu wada noolaado.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro dhowr qodob,oo la doonayo in ay ku dhaqmaan labada dhinac.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media