Sawirro:-Wasiirka Amniga K/Galbeed oo kormeer amni ku tegay Isgoysyada qaar ee M/Baydhabo

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha Maamulkaas  Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay)ayaa Caawa kormeer dhanka amniga ah waxa uu ku maray dhowr isgoys oo ku yaalla Magalada Baydhabo we Xarunta Gobolka Baay.

Kormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku wehlineyay Taliyaha Nabadsugid Magalada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo, Korneyl Mukhtaar Dugudow, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Baydhabo, Cabdulle Isaaq iyo Saraakiil kale.

Wasiirka ayaa Soo maray dhowr Isgoys oo ku yaalla Gudaha Magalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Koonfur Galbeed,oo ku guda jira howlaha Sugida Amniga Magalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan kormeerka amni,isla markaana Ciidamada looga baahan yahay in ay kordhiyaan Sugida amniga Magalada.