Sawirro:-Wasiirka Amniga iyo taliyaha Booliska oo kormeer sameeyeen

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamd Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa caawa kormeer kedis ah ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliska oo ay ka mid ahaayeen Taliska Qeybta guud ee Booliska G/banaadir, Xarunta CID, saldhigyada degmooyinka kaaraan, boondheere iyo Hodan.

Wasiirka iyo Taliyaha, ayaa u kuur galayey  sida ay u socdaan shaqooyinka Caadiga ee xarumahaasi iyo haddii ay jiraan habacsanaan dhanka shaqada ah, waxaan warbixin ku saabsan howlaha Ammaanka ay ka wareysteen Taliyeyaasha Xarumihii ay booqdeen.

Intii ay ku guda jireen kormeerkaan kediska ah Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa waxay ay la kulmeen qaar ka mid ah Bulshada ku nool degmooyinka kaaraan, boondheere iyo Hodan, iyaggoo ka wareystay sida ay ula dhaqmaan Ciidamada Ammaanka, waxaan ay ka qaateen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan arrimaha nabad gelyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media