Sawirro:-Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo Maanta la dhaariyay

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyaya sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka.

Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo R/iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah,Eng. Cbadi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirada ayaa ka kulmay ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda uu kulan gaar ah kula yeeshey garoonak diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha JFS,xiligaasi oo uu madaxweynuhu ku sii jeedey safarkiisa magaalada Garoowe.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo maanta dalka soo gaaray,waxaana soo dhaweyey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Hoos Ka Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media