Sawirro:- “Wasiir Xoosh”laba Sana Gudahood ayaan ku dhamestireynaa dastuurka Dalka”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr.

Labada dhinac ayaa waxa ay kawada hadleen taageerada AMISOM ee DF, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobolada dalka kuwaasoo ku saabsan arrimaha Dastuurka.

AVV Xoosh ayaa Amb Madeira u sheegay in DF ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka.

“Midowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno; waxa aan ka rajeenaynaa AU in ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Amb Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media