Sawirro:-Wasiir Beyle” Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka maaliyadda”

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ka socda Washington DC ayaa rajo ka muujiyay inay natoojo wanaagsan kasoo baxdo kulanka.

Wasiir Beyle oo kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala Dalka.

“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda., waxayna noo ballan qadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha Deynta” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay wasaaradda maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamku u aaminto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media