Sawirro:-Wasaaradda Warfaafinta oo Shir wadatashi ah ka furtay Muqdisho

Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.

Hoos ka Daawo Sawirrada Shirka