Sawirro:-Wasaaradda Maaliyadda oo bilaabeysa Dhaqan gelinta Miisaaniyadda dowladda ee 2018

Daah furkaan habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka ay dhawaan ansaxiyeen xilidhibanaada Golaha Shacabka ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee horyaalo  Wasaaradda Maaliyadda sidii ay sare ugu qaadi laheyd  dhaqan gelinta howlaha Dowladda horyaala islamarkaane looga qeyb qaato Horumarka dalka,  iyadoo  habka loo soo bandhigaay  dhaqan gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore

Munaasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda,waxayna dhamaantood isku raaceen in si hufan looga wada shaqeeyo horumarka dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeyso Wasaaradaha Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Wasaaradaha ay soo xareeyaan macluumaadka Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo Dowladnimada.

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Xasan Abshirow ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta shaqaalaha Dowladda loona gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu danbeyntii,Waxaa madasha ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,isagoona tilmaamay iney muhiim tahay in Miisaaniyada Dowladda noqoto mid laga wada faa’ideysto laguna gaaro horumarka dalka iyo sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media