Sawirro:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shaacisay Waqtiga Dowladda lagu soo wareejinayo Maxaabiista ku xiran Seychelles

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar  oo ku sugan Jaziirada Mahe ee dalka Seychelles halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Soomaaliyeed ayaa Maanta booqday Maxabiistaas.

Markii uu halkaasi tegay Wasiirka ayaa waxa uu la kulmay 15 Maxkaabiista soomaaliyeed ee halkaasi ku xiran, si uu xaaladooda ula socdo.

Wasiirka ayaa sheegay in Maxaabiistaan horay loogu xukumay Sanado badan kadib markii lagu helay falal la xiriira burcad badeednimo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadka Maxaabiista Soomaaliyeed ah ay dhammaatay muddadii lagu xukumay isla markaana  bisha Decembar 2017 la sii deyn doono halka inta kale ay Sanado u dhiman yihiin Masuulyiinta Seychelles ay Bisha December ku soo wareejin doonaan Dowladda Soomaaliya.

“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl ayuu yiri Wasiirka”

Sikstaba Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Maalinta Berito ah uu kulamo kala duwan la qaadan doono Masuuliyiinta Jaziirada Seychelles.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media