Sawirro:-Wasaaradda Amniga oo ka hadashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Duhurnimadii Maanta ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Saldhiga ku leh Garoonka Balli-doogle xillia ay marayeen meel u dhow Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye,waxana qaraxaas ka hadashay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Alshabab uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen.

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaasi kudaray in aysan jirin Wax khasaaro Nafeed ah oo uu geystay marka laga reeebo in uu ku dhintay ninkii waday gaarigaasi siday Walxaha Qarxa.

Al-Shabaab ayaa waxa ay horay u sheegeen in qaraxaas ay ku diley 12 ka mid ah askarta soomaaliya balse Wasiirka Amnigu uu sheegay in wax khasaaro ah uusan geysan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media