Sawirro:-Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin oo kulan yeeshay

Kulan wadajir ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha ayaa Muqdisho ka dhacay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in afarta hay’ad ay kawada hadlaan wadashaqayntooda gaar ahaan hawlaha ay gaarka u leeyihiin iyo kuwa ka dhaxeeya ee ay tahay in si wadajir ah ay uga wadashaqeeyaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay Hay’adaha ku soo bandhigeen qorsho-hawleedkooda, kadibna waxaa laga dooday sida ay tahay in loo wadashaqeeyo.

Guddiyada Madaxbanaan ayaa waxa ay Wasaaradaha ka codsadeen in ay u soo dedejiyaan diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ee ay ku xiranyihiin hawlaha ay qorsheysteen in ay sanadkan qabtaan.

Dhanka kale, Wasaaradaha ayaa ballanqaadeen in ay fulin doonaan codsiga Guddiyada si sanadkan ay guul uga gaaraan hawlaha ay qorsheysteen.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maalmihii dambe waday in ay xiriir wanaagsan oo wadashaqeyneed la yeelato hay’adaha ay hawsha kala dhaxeyso si guul looga gaaro Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

 

—–DHAMAAD—-

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media