Sawirro:-Wariyayaasha Baydhabo oo loo diiday Shirka Amniga Qaranka ee Maanta furmay

Wariyayaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta laga hor-isataagay in ay ka qeyb galaan,isla markaana ay soo tebiyaan Shirka Amniga Qaranka.

Wariyayaasha oo shalay ku dhaqaaqay Shaqa joojin ayaa waxaa jirtay in arrintaasi xal laga gaarey kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan)

Wariyaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Maanta laga hor-istaagay in ay Galaan halka uu ka socdo shirka Amniga Qaranka,isla markaana Ciidamada qaarkood ay ula soo baxeen Bustoolado.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shirkaas ay goobjoog ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha.Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo masuulka ah waxkasta ee ka dhaca Magalada Baydhabo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media