Sawirro:-Wajiga labaad ee Shirka Amniga Qaranka oo ka socda Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta markale furay Wajiga labaad ee shirka Amniga Qaranka kaas oo ka socda Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho.

Shirka Maanta uu kii hore ka ballaaran ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo kala duwan sida,Siyaasada, dhaqaalah, iyada oo deeq bixiyasha Caalamka ay dhageysanayaan Warbixino deeqaha la xiriira iyo waxa loo qaban karo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlada, Madaxda Dowlad  goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Madax ka socota Beesha Caalamka ayaa waxa ay falanqeyn doonaan jawaabihii ka soo baxay qodobadii Amniga qaran ee shalay shirkaas looga hadlay.

Ugu dambeyn Gelinka dambe ee Maanta ayaa shirkaan waxaa soo gaba gabeyn doona Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Shirka Wajigiisa labaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media