Sawirro:-Wajiga Koowaad ee Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Hir-Shabeelle oo soo gaba gaboobay

Waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle Maanta ku soo gaba gaboobay Wajiga koowaad ee dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Ilaa Afar Musharax ayaa Maanta qorshuhu ahaa in ay jeediyaan khudbadahooda mushaarxnimo balse waxaa Goobta ka maqnaa Musharax  Cabdinaasir Shirwac Maxamed oo aan Jowhar ku sugneyn.

Musharixiinta khudbeeyay Maanta ayaa kala ahaa

1:-Maxamed Cabdi Waare

2:- Cabdi Kariim Cali Nuur

Iyo Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in Musharax Cabdinaasir Shirwac Maxamed uu ka mid noqon doono Musharixiinta Maalinta Berito ah khudbeyn doono.

Doorashadii horay uga dhacday Magalada Jowhar ee uu ku soo baxay Cali Cabdullaahi Cosoble iyo tan Maalinta Sabtida ah ayaa kala duwan, ilaa 8 Musharax ayaa haatan u taagan xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle halka tii hore ay ku tartameen laba Musharax oo kaliya.

 

 Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media