Sawirro:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Wasiiro kale oo katirsan Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka mahadnaqay soo dhaweeynta waxuuna ka hadlay ujeedada safarka.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta diiran ee ay noo sameeyeen masuuliyiinta Puntland, sida aad ujeedaan waxaa si wadajir ah u socda sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka innaga oo u nimid sidii madaxda iyo shacabka Puntland aan uga talagelin lahayn Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Kaamil ayaa waxa ay si wadajir ah uga mahadnaqeen soo dhaweeynta iyaga oo tilmaamay in sedexda Hay’ad ee shaqada ka dhaxeyso ay si wadajir ah wadatashi u la yeelan doonaan shacabka iyo madaxda Puntland.

Ugu dambayn, safar-hawleedkan ayaa ah midkii labaad oo ay si wadajir ah u sameeyaan Wasaaradda iyo labada Guddi ee shaqada ka dhaxeeyso iyada oo cadeeyneysa wadashaqeynta aadka u wanaagsan ee ka dhaxeysa sedexda Hay’adood.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media