Sawirro:-Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug balse lagu muransan yahay xilkiisa kaas oo ka yimid Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ee Maamulka Galmudug.

Wafdiga Xaaf oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xaaf, ayaa Muqdisho Maanta uga qeybgeli doona shirka Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media