Sawirro:-Wafdi ka socda QM oo gaaray Dhuusamareeb & ujeedka safarkooda oo la shaaciyey

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug,waxayna halkaasi kula kulmeen Mas”uuliyinta Galmudug sida Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa waxay kormeer ku tageen Xarumihii ay ka dagi lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay,wuxuuna sheegay inay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Siyaasada Galmudug.

Dhanka kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug ay u qorsheysan tahay inay Al-Shabaab kala wareegaan Meelaha ay ka joogaan Galmudug.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Bilihii la soo dhaafay waxa ay socdaalo is daba jog ah ku imaanayeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxa ayna wadaan Qorshayaal lagu hor marinayo Deegaanada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media