Sawirro:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray Wefdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNCHR.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe Filippo Grandi,waxana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen
Wasiir dowlaha wasaaradda arimaha dibadda C/qaadir Axmed kheyr, wakiilka gaarka ee qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya Mechel Keating.

Wafdiga Maanta yimid Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Cabdi Afeey oo ah Ergeyga gaarka ee UNCHR u qaabilsan Geeska Afrika.

Wasiir dowlaha ayaa waxa uu sheegay in Filippo Grandi uu beri tagi doono Magaalada Kismaayo si uu u booqdo qaxootigii Soomaaliyeed ee ka soo barakacay Xeryaha qaxootiga Kenya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media