Sawirro:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Muqdisho kulan kula leh Guddoonka labada Aqal

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaminayay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman ,iyo Xubno uu la socdo.

Wafdiga Jeffrey Feltman,ayaa waxaa qeyb ka ah Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating,iyo Masuuliyiin kale.

Intaas kadib waxa ay kulan la qaateen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Markii uuu soo gaba gaboobo kulankan ayaa sidoo kale Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey,waxa uu la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media