Sawirro:-Wafdi ka socda dowladda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa Wafdigan Ganacasatada ah ee ka socda  Dalka Qadar ku soo dhaweysay Maanta oo ah Axad Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta Qaranka kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho  kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi, ayaa sheegtay in ganacsatadan  ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .

Wasiirk Fahmo  oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka,  iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Qaar ka mid Wafdiga oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney soo booqdaan xiligan Soomaaliya . Iyagoo sheegay iney u yimaadeen halkan sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.

Ganacsatadan  ka socday dalka Qatar ayaa inta uu joogo dalka ayaa lagu wadaa in ay la kulamaan  wasaaradaha ka shaqeeya wax soo saarka Dalka iyo Madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed , iyagoo u kuur gali doona fursadaha maalgashiga ee ka bannaan dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media