Sawirro:-Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Hobyo

Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta gaaray Wasiiro iyo xubna ka socda labada Aqal ee baarlamaanka SoomAaliya iyo sarakiil ka socda Shirkad shiineys ah.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa Magaalada Hoibyo ku soo dhaweeyay msuuliyiinta Maamulka Magalada Hobyo,waxana ay qiimeyn doonaan halka laga dhisayo Dekada Hobyo oo ah isha dhaqaalaha Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyiinta Maamulka Magaalo xeebeedka Hobyo,si looga tashado dhismaah Dekada Hobyo oo la doonayo in ay Shaqeyso.

23 Bishii la soo dhaafay ee January ayaa waxaa Dekada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug  dhagax dhigay Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi booqasho ku tegay.

Hoos Ka Daawo Sawirada Wefdiga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media