Sawirro:-Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa gaaray wefdi ka socda Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,waxana qeyb ka ah Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Xildhibaan Axmed Macalin fiqi, Xildhibaan Cabdi Casiis iyo Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin.

Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal iyo General Suubxaanyo iyo Maxamuud Afgooye.

Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusa Mareeb oo ay ku Shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Dhuusa Mareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Wefdiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media