Sawirro:-Wadahadalada Ahlusuna iyo Galmudug oo furmay iyo Ahlusuna oo Shuruudo adag soo bandhigtay

Caasimadda dalka Jabuuti ee Djbuuti waxaa Maanta ka furmay wadahadalo u dhaxeeya madaxda Maamulada Galmudug iyo kan Gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Wadahdala halka uu ka socdo waxaa ku sugan wufuud ka kala socota labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna iyo sidoo kale Ganacsato Reer Galmudug ah oo horay ugu sugnaa dalkaasi Jabuuti.

Wahadaladaan ayaa waxaa Garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD,iyada oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Qodobada ugu waaeyn ee shirkaasi looga hadlayo ayaa ah sidii Ahlusuna ay ugu biiri laheyd Maamulka Galmudug maadaama ay gacanta ku heyso dhul farabadan oo ka mid ah kuwa Gobolada Dhexe.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ee Ahlusuna iyo Galmudug ayaa haatan sitoos ah u wada hadlaya ayaa hadana waxaa jira shuruuda adag oo ay kala wataan.

Madaxweynaha Maamulka gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wata shuruudo adag oo ku saabsan hanaanka awood qeysbiga maamulka Galmudug laga siinayo Ahlusuna,taas oo keeni karta in qodobada qaar la isku fahmi waayo.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media