Sawirro:-Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Qoysaska Wariyayaal geeriyooday iyo kuwo dhaawacmay

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa deeq lacageed oo loogu talo galay aaska iyo daaweyta, isla markaana ay ku deeqday hay’adda Free Press Unlimtted oo fadhigeedu yahay dalka Netherland.

Haddaba, masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo uuhogaaminaayeen Xoghayaha Guud ee Ururka Maxamed Ibrahim Macalimuu iyo Gudmoomiye Maahir Jaamac aden, isla markaana ay wheliyeen masuuliyiin kale oo ka socday warbaahinta madaxa bannaan ee gudaha iyo suxufiyiin ayaa shalay Isniin ah 30/10/2017 guddoonsiiyay  min 1500 dollar qoysaska labo wariye oo ku geeriyooday qaraxii  14 dhimashada badan sababay ee 14kii Oktoobar kuwaas oo kale ahaa Cali Nur Sayid Axmed iyoAbdullahi Osman Faarax.

Sadax wariye oo kale oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen ayaa iyaguna labo kamid ah la siiyay mid afar boqol doolar halka midka kalana uu helay 359 doolar taas oo guud ahaan ka dhigeysa lacagta NUSOJ soo gaartay $4159.

Masuuliyiinta oo wada socda ayaa xaafadahooda ku booqday qoysaskii laga geeriyooday waxana labada qoys lacagta ku wareejiyay Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Shiikh C/raxiim Ciise Caddow iyo Madaxa Warbaahinta Kulmiye Abwaan Cismaan C/laahi Guure.

Xogyaha Guud ee NUSOJ  Maxamed Ibrahim Macalimuu ayaa waxa uu kadhawaajiyey in hanaankii  lacagaha deeqaha  wariyayaasha loogu talagalay ee ururku u maamuli jiray wax laga bedelay kadib qeylo dhaan hore oo ka soo yeertay dhibanayaal lacagahoodii hore loo lunsaday,lagamamaarmaanna ay tahay in aamaanadaasi si sax ah loo guto Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Macalimuu uu balanqaaday inweriyayaasha sidii ay dhexdooda isu caawin lahaayeen ayka shaqeynayaan ,looguna raadin lahaa kaalmo kale kolka ay dhibaato soo gaarto.

Agaasime Cabdulahi Kulmiye Xersi oo ka tirsan Universal TV  ayaa umahad celiyay hey’adda Free Press Unlimitted iyo NUSOJ oo xil iska saartay sidii ay ugu warqabi laheyd qoysaska iyo dhibanayaasha ka tirsan saxaafadda ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Mahir Jaamac Aden ayaa ugu baaqay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay is gargaaraan ama dal ha joogaan ama dibad ha joogaan, isagoo isla markaana ka dhawaajiyey in suxufiyiintu ay is gargaari karaan iyadoo looga kaaftoomaayo taageero dibadda ah..

Waxaa kale oo jira wariye kale oo Soomaaliyeed Jacfar Cali Maxamed (Daacad) oo shan maalin ka hor 25kii Oktoobar ku dhintay is rasaaseynu dhaxeysay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo Alshabaab ,kaas oo ay NUSOJ jeclaan lahyed in sidoo kale laga caawiyo qarashka aaska maadaama reerku ay yihiin kuwa sabool ah oo liita.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media