Sawirro:-Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska oo Maanta Xilka ku wareejiyey ku xigeenkiisii

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad xilka taliyenimo ee Booliska kula wareegayo S/guud Mukhtaar Xuseen Afrax oo hore u ahaa Taliye ku Xiggeenka Ciidankaasi, waxaana uu xilka si ku meel gaar ah uu kala wareegay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen Saacid oo dhowaan Golaha Wasiiradda XFS ay xilka ka qaadeen.

Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/Xakiin Saciid Saacid oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Gen Muqtaar uu yahay howl kar kasoo bixi kara Shaqada Booliska, islamarkaana muddo badan uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax, ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa u mahad celiyey Taliyahii hore ee Ciidanka, isagoo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka codsaday in la garab istaago.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media