Sawirro:-Taliyaha Xoogga oo Maanta tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada

Wasiir ku-xugeenka Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad  Raable iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray ku dhowaad labo boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.

Xiritaanka tababarkan oo saddex bilood socday waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ururka lixdanaad ee Madaxtooyadda Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay ciidankan inay qaateen tababaro kala duwan oo ay ugu horayso la dhaqanka shacbiga iyo masuuliyiinta imaanaya madaxtooyadda iyo kor u qaadista howlgalada ay ku jiraan oo ay kow ka tahay ilaalinta wadooyinka soo gala madaxtooyada, waxa kale oo uu sheegay Odawaa in la baray ciidankan ixtiraamka taasoo kor u qaadaysa in la helo ciidan qaran oo faham buuxda ka haysa wadaniyada iyo ilaalinta karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Aamina Siciid Cali oo ka mid ahayd masuuliyiintii hadlay ayaa sheegtay iney aad ula dhacsan tahay sida wanaagsan oo ay ciidankan ula dhaqmaan dadka maraya wadooyinka madaxtooyada gala, waxayna intaa ku dartay in Askariga yaqaana habka dadka loola dhaqmo ay suurta galin karto in kalsoonida shacabka ku qabaan ciidankooda ay kor usii qaado.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.

Wuxuu taliye Gorod xiritaanka tababarkan ka sheegay askariga la dalacsiinayo inuu ku imaan doona warbixinta uu sarkaalkiisa ka yimaado, wuxuuna meesha ka saaray inaysan dhici doonin sarkaal xidig lagu siinayo isagoo wata Odaygiisa ama xildhibaankiisa, wuxuuna dhaar ku maray sarkaalkii sidaa sameeya in laga xayuubinayo xidigaha uu horay u haystay.

Dufcada maanta korsadaan loosoo xiray ayaa noqonaysa tii afaraad, waxaana jiraya tababaro kale oo lasiinayo ciidanka madaxtooyadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media