Sawirro:-Taliyaha xoogga oo Tababar u soo xiray Dufcadii labaad Ciidamo ku tababartay saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Muddo Seddex Bilood ah Tababar Ciidan ku qaatay Dugsiga Tababarka ee Turki Som ayaa maanta waxaa Tababarka usoo xeray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali xuseen Jaamac (Gorod)

Munaasabad Ballaaran oo ciidamadaan tababarka loogu soo xerayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Safiirka Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Saraakiil ka Tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo Tababarayaal Turki ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa Baaq u diray Dowladaha taageera Soomaaliya, isaggoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.

General C/weli Jaamac Xuseen(Gorod), ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.

Muddo seddex bilood ah ayay ciidamadaani tababar ku qaateen Xarunta Dugsiga Tababarka Turki Som, waana Dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Xarunta Dugsiga Turki Som.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media