Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Bulshada Gaalkacyo kala Shiray ammaanka G/Mudug

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo wuxuu kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada isagoo uga waramayey halka ay marayso Nabadayntii ay ku hawlanaayeen Saraakiisha ugu saraysa Soomaaliya iyo gudiyada Nabad galyada labada dhan ee Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha oo Gaalkacyo ku qabtay kulan Su,aalo lagu waydiinayo ayaa warbixin uu ka horjeediyey Bulshadii kulankaasi ka qayb gashay wuxuu ka sheegay inay meel wanaagsan marayso nabad galyada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Sareeye Guuto C/wali Jaamac Gorod ayaa sidoo kale Bulshada Su,aalo ay waydiisay oo dhowr ah ka Jawaabay waxaana kamid ahaa Xeradda saldhiga u ah ciidamada Puntland ee Caano ka dhan taasoo uu been ku Tilmaamay inay ciidamadu ku khasbeen Puntland inay bixiso xeradaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay u baahantahay magaalada Gaalkacyo in la xoojiyo Amnigeeda sidoo kalana ladoonayo meel la dajiyo ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media