Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska “ waxaan diyaarinay qorsheyaal aan ku dayactireyno Xarumihii Booliska uu lahaa”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , ayaa maanta kormeeray Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Taliyaha, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan, waxaana warbixin buuxda dayactirka lagu sameeyey xarunta 888 ka siiyey maamulkaasi xaruntaasi.

Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorsheyaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka Booliska uu lahaa ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Gen Bashiir, ayaa xusay in dayactirka kadib dhowaan dib loo furi doono Xaruntii isgaarsiinta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee OTO OTO, waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qalabkii kala duwanaa ee xaruntaan ay ku shaqeyn laheyd.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media