Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa Maanta wax uu kormeer ku tegay Xarunta ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Xarunta ayaa waxaa tababar uga socdaa ciidamo ka mid noqon doona kuwa Asluubta,waxa uuna halkaasi uga jeediyay khudbad dardaaran ah.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa uga digay ciidamada In ay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho,isaga oo ugu baaqay in ay si wanaagsan ugu adeegaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ciidamadaan tababarka u socdo loo soo xeri doono,isaga oo uga mahad celiayay sida sabarka leh oo ay tababarka u qaadanayaan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kormeerka taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media