Sawirro:-Taliyaha Asluubta oo Qalab Xafiiseed ay soo saareen Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku wareejiyey Wasaaradda Wafaafinta

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qalab xafiiseed ay soo saareen Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ku wareejiyey wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Cabdulle Xuseen Faarax waxa uu ka mid yahay Maxabiista  Xirfadaha kala duwan ku bartay Xabsiga Dhexe waxaana uu sheegay in uu ka faa’iidey Xabsiga Xirfad uu ku shaqeysan karo, haddii uu dhammeysto mudada lagu xukumay.

Taliyaha ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay xarunta taliska ku soo booqdeen sii hayaha xilka wasiirka Warfaafinta, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, agaasimeyaasha SNTV iyo RM ayeey wada qaateen kulan ay uga hadlayeen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ka dhaxaysa.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa yiri “ in Qalab xafiiskeedkaan ay wareejiyaan u jeedada ka dambeysa  ay tahay howlaha adag ee ay wasaaradda Warfaafintu u heyso Qaranka,  ayna sii wadi doonaan tan oo kale”.

Sii hayaha wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa uga mahadceliyey taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sida ay u soo hindiseen Qalabka loogu talogalay shaqooyinka Wasaaradda gaar ahaan Warbaahinta dowladda.

Maxabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar si ay u noqdaan dad wax soo saar leh taliska ayaa hirgeliyey adeegyada aas-aasiga u ah sida Biyo Nadiif ah, Waxbarasho dhowr qeybood ah oo ay farsamada gacanta ka mid tahay, iyadoo taliyuhu uu ballan ku qaadey in Gunnooyin la siin doono Maxabiista Farsamada gacanta ka shaqeysa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.