Sawirro:-Soomaaliya iyo Jabaan oo heshiis kala saxiixday

Heshiiskan laba geesoodka ah oo ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Somaaliya iyo hay’adda JICA ee wadanka Japan u qaabilsan Iskaashiga Horumarineed.

Heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa dowladda soomaaliya u saxiixay Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga XfS, Fahmo Ahmed Nuur, halka dowladda Japan ay u saxiixday Madax Hay’ada JICA Dalka kenya.

Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horuamrinta dhaqalaha, iyo Wafdi ka socda hay’adda japan oo ka yimad m agaalada tokyo dalkaasi.

Nuxurka Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa xoojinta ilaha dhaqaaalaha Dalka sida Kalluumeysiga iyo kor u qaadista tayada hay’adaha wax soo saarka.

Heshiiskan ayaa daba socdaa kulamo sanadkii hore ku dhaxmaray dalka Japan Madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda Jica, taasi oo ku saabsanaa sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa tayada shaqaalaha rayidka iyo horumainta hay’adda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media