Sawirro:-Somalia iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Awqaafya iyo Arrimaha Diinta XFS, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Xassan Ashkir ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Horumarinta Bulshadda Ahna Madaxa Hay’adda Awqaafta ee Dalka Sacuudiga Dr. Cali Binu Naasir.

Wafdiga wasiirka waxaa ku weyhliyay Agaasimaha Guud ee Wsaaradda Awqaaft & Arriamah Diinta Soomaaliya Mudane Cumar Faaruuq Sheekh Cabdulcasiis, waxaana ka soo qaybgalay kulanka Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga Mudane Daahir Mohamud Geelle.

Kulankaan oo ka dhacay Caasimadda Riyaad ee Dalka Sacuudiga, labada dhinac waxey ka wada hadleen arrimo muhimmad gaar ah u leh xiriirka labada dal, iyadoo laga arrinsaday si guud sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal sacuudiga, iyo sidii loo garab istaagi lahaa Wasaaradda Diinta, gaar ahaan dhanka barnaamijyada Awqqafta Shirkan waxuu ku soo dhamaaday guul.

Dhanka kala Wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Cabdixakiim Hassan Ashkir waxuu booqday safaaradda Soomaalida ee Riyaad, waxaana ka soo qaybgalay dhammaan Diplomaasiiyinta safaaradda sida ka muuqataba sawirada.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media