Sawirro:- Shir weynaha Golaha fulinta ee Urur Gobaleedka IGAD oo Maanta furmaya

Waxaa Magaaladda Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudaan gaaray Wafdi uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Abdalla Cawad,waxaana siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wefdiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka waxaa ka mid ah,Xildhibaan Abdirashiid Maxamed Xidig,Xildhibaan Abdirahmaan Maxamed Suge iyo waliba Xildhibaanad Ikran Yuusuf Hersi waxaane Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyen madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu hor kacayo Uqeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee Safaaradda Dr Cabdi Qaadir Guulane iyo Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Cabdi Xakiim Luqmaan Haaji Maxamed iyo walba Uqeybsanaha Warfaafinta ee Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow.

Soo dhaweynta ka dib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Abdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Suudaan u yimadeen inay ka qayb galkaan Shir weynaha golaha fulinta ee urur Gobaleedka IGAD ee dhanka iskaashiga Barlamaanka

Shirkaan ayaa lagu wadaa in furmo maanta iyadoone lagu wado in looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyaan Amniga iyo isbadalada Cimalada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay kujirto.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media