Sawirro:-Shir Wadatashi ah oo Muqdisho uga socdo Wadamada ku bahoobay IGAD

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Shirk u saabsan la tashiga Wadamada IGAD, kaasi oo ay ka qayb galayaan xubno ka socda IGAD, Dowladda dhexe iyo xubno ka tirsan Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Shirkaan oo ka socda xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ahmiyadiisa waxa ay tahay shirka la tashiga wadamada IGAD ee la xiriira sidii si furan la isaga gudbi lahaa xuduudaha dalalka IGAD fiisa la’aan.

Dhinacyadan ayaa isla gorfeynaya hanaanka ugu haboon ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii la isla garto wadamada IGAD ku bahoobay muwaadiniintooda Viisa la’aan inay isaga gudbaan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo ku sugan madasha shirka ayaa dhankooda ka dhiibanaya aragtiyada ku haboon Shirka.

Shirkaan ayaa la filayaa marka la soo gaba gabeeyo masuuliyiinta dowladda Saxaafadda inay la hadlaan faah faahina ka bixiyaan Shirka.

Hoos Ka Daawo sawrrada Shirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media