Sawirro:-Shir looga hadlayo dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay sidoo kalena iminka xarun Kmg ah u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga dib u eegita sharciga Socdaalka Soomaaliya oo la sameeyay sanadkii 1966-kii.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybcgalay masuuliyiin ka socotay K/Galbeed oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Koofur Galbeed iyo agaasimaha u qaabilsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Laanta Koofur Galbeed Cali  Maxamed Cali.

Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay furitaanka shirkan ayaa si isku mid ah u sheegay in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhaxe balse hada la qaatay nidaamka Federaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta nidaamka Socdaal ee dalka iyo sare u qaadista ahmiyadda Baasaboorka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media