Sawirro:-Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Brussels iyo Ra’iisul…

Ra’iisul wasaare Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa furay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya gaar ahaan amniga kaasoo ka dhacaya Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka.

Shirkan oo socon doona Labo Maalmood waxaa ka qeyb galaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Maamul Gobalka Benaadir, Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Xubno ka socda qaar ka mid ah Dalalka Yurub iyo Mareykanaka iyo Wadamo kale oo daneeya arimaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo shir guddoominaya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaar garow xoogan ugu jirto sidii ay Ciidamada Qaranka ula wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka marka uu waqtigooda dhamaado ciidamada AMISOM, isagoona xusay in si tartiib tartiib ah ay AMISOM uga baxayaan Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa daba socda shir dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay arrimo ku saabsan Amniga guud ahaan dalka iyo qorshaha dowalda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku hormariso ciidamada Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media