Sawirro:-Shir looga hadlayo Arrimaha Federaalka Soomaaliya oo ka furmay Itoobiya

Magaalada Adis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha federaalka Soomaaliya waxaana ka qeybgelaya Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale shirkaas waxaa ka qeyb gelaya Wasiirada Dastuurka Wadamada Saaxiibka la ah Soomaaliya sida dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Intiisa badan shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin dhismaha Dowladaha Hoose iyo horumarinta Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo socon doona dhowr maalmood ayaa la filayaa in gaba gabadiisa aga soo saaro waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media