Sawirro:-Shil aad u naxdin badan oo geestay Khasaaro ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Gelinkii dambe Maanta waxa uu ka dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa deegaanada maamulka Soomaaliland.

Shilkaas ayaa waxaa  Ku geeriyooday ilaa  Saddex Qof oo hal Gaari wada saarnaa oo mid ka mid ahina  uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliland kaas  oo Magaciisa lasu shegay Amarre, halka labada kalana ay ahaayeen Darawalkii Gaariga waday iyo Qof ka saddexaad oo ahaa Arday Da’ayar.

Labada Gaari ayaa mid kamid ahi Gubanayay waxaana halkaa gaaray Gawaari ay wataan Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay Gaariga .

Mid ka mid ah Gawaarida shilka galay ayaa ahaa nooca Xamuulka qaada oo waday Khudaar halka midka kale uu ahaa Gawaarida yar yare e nuuca raada ah.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media