Sawirro:-Shiinaha oo laga codsaday in Golaha Ammaanka ee QM dib u eegaan Go’aanka AMISOM kaga baxayaan Somalia

Ra’iisul-wasaaraha dalka Uganda, Dr Ruhakana Rugunda waxa uu Baaqaasi jeediyey, kadib, markii uu la kulmay Guddoomiyaha Shirweynaha La-talinta Siyaasadda ee dadka Shiinaha ee hoos taga Xisbiga Shuuciga ee dalkaasi, Wang Yang.

Ra’iisul-wasaaraha Uganda waxa uu Dowladda Shiinaha ka codsaday inay taageero ka geystaan sidii loo soo af-jari lahaa Colaadaha Gobalka ee ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan, Kongada Dimuqraadiga iyo Burundi.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Uganda taageero ka geysatay soo-celinta Nabadda ee dalalka deriska ee ay colaaduhu halakeeyeen.

Sidoo kale, Dr Ruhakana Rugunda  waxa uu ugu baaqay Dowladda Shiinaha inay taageero ka geystaan sidii ay Golaha Ammaanka ee QM dib-u-eegi lahaayeen Go’aankooda ku aadan sidii Ciiddamka  AMISOM looga daad-gureyn lahaa gudaha Somalia.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Mowqifka dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ka digayaan inay arrintaasi wax u dhimi doonto dadaalka lagu xoojinayo Ciiddanka Ammaanka ee DFS.

Golaha Ammaanka ee QM waxay dhawaan ansixiyeen Qaraar ku baaqay in la dhimo tirada Ciiddanka AMISOM, si ay DFS dhabarka u ridato mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

Dowladaha Shiinaha waxay ka mid tahay shanta Dowladood ee Awoodda Qayaxan ee VETO ku dhex leh Golaha Ammaanka ee QM  isla markaana galangal u leh inay Golaha ku cadaadiyaan meel-marinta iyo dib-u-eegista Go’aanadda uu Goluhu horey u meel-mariyey.

Si kastaba ha ahaatee,Hadalka Ra’isul-wasaraaha Uganda ayaa muujinaya sida ay Dowladiisa oo ay Kumanaan Ciiddan ka joogaan Somalia ugu qanacsanayn Qaraarka Golaha Ammanka ee QM, waana arrintaasi sababta ay Uganda oo ka mid ah dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia (TCCs) uga codsato Dowladda Shiinaha in dib loo eego Qaraarka ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku ansixiyeen in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM  ee ku sugan gudaha Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media