Sawirro:-Shariif Xasan oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif  Xasan Sheekh Aadan ayaa Maalmo kadib Maanta waxa uu dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shariif Xasan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo isugu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shariif Xasan ayaa shalay waxa uu tegay degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ka dhagax dhigay Saldhiga degmadaas oo la doonayo in dayactir lagu sameeyo.