Sawirro:-Shariif Xasan oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Walaweyn

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maalmo kadib Maanta dib ugu laabtay Madaxweynaha Dowlad gobooleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan koonfur galbeed oo ugu horeeyo Kusimaha Madaxweynaha a koonfur galbeed ahna wasiirka Beeraha iyo waraabka maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale.

Shariifka ayaa intaasi ka dib ayaa waxaa la geeyay  xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed,isaga oo kulan la qaatey Gollaha wasiirada maamulka iyo Xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intaba.

Ugu horeen Madaxweyne Shariif Xasan  ayaa ka tacsiyadeeyey shacabkii ku dhintey Qaraxii  ka dhacay Degmada Walaweyn ee gobolka Sh/hoose ,isaga oo Alle uga baryay in uu u naxariisto.

Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media