Sawirro:-Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo sheegay in ay la wareegeen deegaanka Baar Sanguuni

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya qeybta 43 Aad iyo kuwa kumaandooska soomaaliya oo ku hubsan gadiidka dagaalka ayaa Al-shabaab ka xureeyay degaanka baar sanguuri oo qiyaastii magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka jubbada hoose.

Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay Baar-sanguuri ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada xoogga dalka qeybta 43 Aad ciidamada kumaandooska soomaaliya iyo ciidamada daraawiishta jubbaland

Taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43Aad General cismaaciil Saxardiid wareeysi gaar ah siiyay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa kumaandooska danab ay Al-shabaab ka saareen degaanka sanguuni ee gobolka jubbada hoose

Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay degaanka sanguuni ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaro hero kabtar ah oo ay wadteen ciidamo u dhashay wadanka mareynkanka sidaasi waxaa inoo sheegay general saxardiid

Sidoo kale taliyaha qeybta 43 ee Xoogga dalka soomaaliya waxa uu sheegay in dagaalka lagu xureeyay degaanka sanguuni in Al-shabaab looga dilay 7 maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge uu ka mid yahay horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gadiidka dagaalka oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab kuwaasi oo taliye saxardiid uu ku sheegay labo gadiid oo ah kuwa dagaalka

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ee dalka looga xureynayo

Sidoo kale general Saxardiid waxa uu sheegay nabadiidka Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool isagoona balan qaaday degaanadaasi dhawaan ay la wareegi doonaan ciidamada xoogga dalka soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media