Sawirro:-Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka oo sheegay in ay dileen Saraakiil Al-Shabaab ah

Howl galadaasi ayaa ka dhacay saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo lagu dilay ilaa 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa loo maleynayaa in howl-galadaasi lagu dilay horjoogayaal uu ku jiro hoggaamiyaha Al-Shabaab ee Gobolada koofureed sida uu Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in howl galada lagu dilay u qeybsanihii maleeshiyada al-Shabaab ee dhinaca howl-galinta.

Muuqaalada hoose waa qeyb ka mid ah meydadkii maleeshiyaadka al-shabaab ee goobta loogu tegay, waxayna muujineysaa heerka qasaaraha dagaalkaasi uu gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media