Sawirro:-Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo Muqdisho tababar loogu soo xiray

Abuun duulaha  Taakuleynta Taliska  Ciidanka xoogga dalka Soomaalieed Sarreeye Guuto Bile Maxamed Aadan iyo  Abaanduulaha Qeybta 12ka April ahna Madaxa howl gelinta qeybtaas Sarreeye Guuto Maxamuud Macalin Koronto, ayaa maanta Magaaladda Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil  ka tirsan Qeybta 12ka April.

Saraakiishan, ayaa la baray muddii tababarka u socday Isticmaal isgaarsiinta Casriga ah iyo qaabka loo fuliyo Howlgalada gaarka ah, waxaana tababarkaan bixinayey Midowga Yurub.

Gen Bile iyo Gen Koronto oo la hadlay Saraakiishaasi, ayaa kula dardaarmay inay la yimaadaan howlkarnimo, islamarkaana aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan Ciidanka, iyaggoo ugu baaqay inay dhexda u xirtaan siddii dalka looga xoreyn lahaa Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media