Sawirro:-Saddex Ruux oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn Gaari nooca Xamuulka qaado ah iyo Mooto Bajaaj sida ay Dalsan u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiay Shilkaas waxaa ku geeriyooday ilaa Saddex Ruux oo uu ku jiro Darawalkii Mooto Bajaajta halka hal Ruux uu ku dhaawacmay.

Dadka ku nool Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa u gurmaday, dadka shilka galay,waxana ruuxii ku dhaawacmay la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho mudo Sanado ah kadib maadaama ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media