Sawirro:-Ruux Meyd ah oo laga helay War ku taalla Magalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Goob bulaacado ah oo ay biyihii roobka fariisteyn  oo ku halkaasi ku taalla uu ku geeriyooday ruux ku dabaalanayay kadib markii la bad baadin waayey.

Ciidamada Damdemiska Magalada Hargeysa ayaa Ruux u gurmaday balse ay bad baadin waayeen kadib markii uu ku dhacay godweyn oo ku yaalla goobta bulaacada ah oo uu ku dabaalanayay.

Qofka geeriyooday oo rag ahaa aya Ciidamada damdemiska Soomaaliland ugu dambeyn ay  Meydkii ka soo saareen goobta bulaacada ah  ee Magalada Hargeysa.

Ehelada ruuxa geeriyooday iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliland ayaa ku sugnaa goobta howlgalka lagu soo saaray meydka,iyadana ugu dambeyn la’aasay.

Sikastaba dhawaan ayaa sidaan oo kale waxaa War ku taalla Hargeysa oo ay fariisteyn biyihii roobka waxa ay ka soo saareen Xoolo ku dhacay.

Hoos Ka Daawo sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media