Sawirro:-Rasaas weli Caawa laga maqlayo Gudaha Hotelka Naasa-Hablood

Weli waxaa Caawa laga maqlayaa Gudaha Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho halkaas oo Galabta lagu qaaday weerar isqarxin ku bilaawday.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa qeybo ka mid ah hotelka ku sugan kuwaas oo doonaya in ay badbaadiyaan dad ku jira Hotelka.

Rag hubeysan oo Gudaha Hotelka ku jira ayaa Soo ridaya rasaas iyo bambaanooyin si ayaan Ciidamadu Gudaha u gelin hotelka.

Xogaha aan heleyno ayaa waxaa la sheegayaan ay Hotelka ku jiraan xubno xildhibaano ah iyo Siyaasiyiin kale kuwaas oo la badbaadinayo.

Guud ahaan waxaa densan leerarkii hotelka iyo Goobaha ka agdhaw taas oo keentay in Ciidamadu at si fudud ku geli waayaan Gudaha Hotelka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media